Dadweynaha
Gudbi Cabasho
Haddii mihnadle caafimaad, xarun caafimaad, ama machad waxbarasho caafimaad uu waxyeelo kuu geystay ama uu ku gaabiyay waajibkiisa, waad u sheegi kartaa NHPC. Gudbinta cabashadu waa bilaash.
Haddii qof khatar degdeg ah ku jiro, ha isticmaalin foomkan — wac khadka cabashooyinka 24/7 ee 2376.
NHPC waxay qaadaa cabashooyinka ka dhanka ah dhammaan mihnadlayaasha caafimaadka, xarumaha caafimaadka, iyo machadyada waxbarashada caafimaadka.
Ka hor inta aadan gudbin
NHPC lama siin karo magdhow lacageed. Haddii aad doonayso magdhow, u tag maxkamadda. Labadaba isku mar ayaad u socodsiin kartaa.
Waxaan ku soo celin doonaa xaqiijin 7 maalmood gudahood.
Siyaabaha aad cabasho ku gudbin karto
Isticmaal midka kuugu fudud. Dhammaantood waxay gaadhayaan koox isku mid ah.
Taleefan
Wac khadka cabashooyinka 2376. Wuxuu furan yahay 24 saacadood maalintii, maalin kasta, cabashadaadana waxaan ka qaadaynaa taleefanka.
Iimayl
Iimayl u dir info@nhpc.gov.so. Noo sheeg waxa dhacay, magaca qofka ama xarunta, meesha iyo goorta ay dhacday, oo ku lifaaq sawirro ama dukumiinti kasta oo aad haysato. Sheeg haddii aad doonayso inaad magac-la’aan ahaato.
Adigoo soo dejinaya foomka cabashada
Soo deji foomka cabashada, buuxi, oo ku soo dir info@nhpc.gov.so adigoo ku lifaaqaya sawirro ama dukumiinti kasta.
Foomka Cabashada
Foomka aad buuxin lahayd oo aad NHPC ugu soo diri lahayd markaad cabasho gudbinayso. Weli lama daabicin — ilaa intaas, noo soo iimayl gareey faahfaahinta boggano ku qoran.
NHPC / CMP-FORM / 01·Weli lama daabicin
Gudbinta magac-la’aan
Waad soo gudbin kartaa cabasho aan magacaaga lahayn. Laakiin ogow: cabashada aan magac lahayn way adkaan kartaa in la baaro, mana suurtogal noqon karto in laguu soo celiyo natiijada. Haddii walaacaagu yahay sirta halkii uu ka ahaan lahaa magac-la’aanta, na sii xogtaada — uma sheegi doonno qofka la cabanayo haddii aan sharcigu na qasbin.
Boggani wuxuu soo koobayaa Qodobbada 17(1)(b), 32, 40, 46 iyo 69 ee Sharciga NHPC Lr.31. Sharcigu waa isha rasmiga ah; halka soo-koobankani ku kala duwan yahay, sharciga ayaa mudan.