Saxaafad ·
Soomaaliya oo ku Biirtay Ururka Caalamiga ah ee Kormeerka Caafimaadka Adduunka (IAMRA)
Soomaaliya waxay noqotay dalka 46-aad ee ku biira shabakadda caalamiga ah ee kormeerayaasha caafimaadka; NHPC-na waxay noqotay xubinta 123-aad ee IAMRA.
Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ee Soomaaliya (NHPC) ayaa xubin rasmi ah ka noqday Ururka Caalamiga ah ee Kormeerka Caafimaadka Adduunka (IAMRA), kadib markii xoghaynta Ururku qiimeyn ku sameysay codsigii xubinnimo ee Soomaaliya, ayna Golaha Sare ku ansixiyeen Shirweynaha 16-aad ee Ururka oo ka dhacay magaalada Dublin ee dalka Ireland.
Talaabadan, Soomaaliya waxay noqotay dalkii 46-aad ee ku biira ururkan caalamiga ah, halka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qarankuna uu noqday xubinta 123-aad ee IAMRA.
Xubinnimada Ururkan waa talaabo taariikhi ah oo muujinaysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dhaqangelinta siyaasadaha iyo nidaamyada caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo tayada, hufnaanta, iyo kalsoonida adeegyada caafimaadka iyo bedqabka bulshooyinka dunida. Waxay Soomaaliya fursad u siinaysaa in ay codkeeda ku biiriso fagaaraha caalamiga ah ee looga arrinsanayo mustaqbalka kormeerka caafimaadka.
IAMRA waxay isu keentaa hay’adaha kormeerka caafimaadka ee adduunka oo dhan si ay u wadaagaan heerarka, u xoojiyaan kormeerka xirfadeed, uguna difaacaan dadweynaha dhaqan caafimaad oo aan badqab lahayn. NHPC-da, xubinnimadu waxay furaysaa fursado iskaashi farsamo, heerar la wadaago, iyo is-weydaarsi aqooneed oo lala yeesho kormeerayaasha caalamka ee horumaray — taageero xoojinaysa hawsha aasaasiga ah ee Golaha sida uu dhigayo Sharciga Lr.31: diiwaangelinta iyo shatiyeynta mihnadlayaasha caafimaadka, aqoonsiga xarumaha iyo machadyada tababarka, iyo difaaca dadweynaha Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka caafimaad.
NHPC waxay u mahadnaqaysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradda Caafimaadka, iyo dhammaan la-hawlgalayaasha taageeradooda ay xubinnimadan suurtagal noqotay.